Details of Macallin Qur’aan

  • Payment Monthly
  • Budget 0
  • Job Category Education Jobs
  • Skills

Institute Activity

  • Last Login May 25,2024
About the institution
Name Hay’adda Samafalka Geeska Afrika
City Hargeisa
Job Requirement

 

 

 

Macallin Qur’aan (Qur’an Teacher )

Macalinku waa inuu yahay haldoor, soo saari kara barbaar hormuud ah.

Waa in uu dhigi karaa dhammaan culuumta aasaasiga ah Qur’aanka, sida; higaadda iyo tajwiidka. Sidoo kalena hagi karaa howlaha  waxbarasho ee la xidhiidha xifdisiinta Qur’aanka iyo tarbiyaynta carruurta, oo ku salaysan hannaanka barashada Qur’aanka ee casriga ah, si’ loo soo saaro hormuudka dadka iyo dalkaba. Waa in uu awood u leeyahay hanashada quluubta ubadka, daryeelka iyo waxbarista ubadka, ilaalinta agabka, tebinta manhajka Qu’aanka, habaynta jawiga waxbarida iyo waxbarashada oo udub dhexaad u ah guusha ubadka iyo dugsiyada guud ahaan.  Ugu danbayn waa in uu tusaale iyo ku dayasho wacan u noqdaa dhamaan ubadka, bahda waxbarashada, iyo bulshada guud ahaan.

 

Masuuliyadaha Macallinka:

ü  Fulinta qorshayaasha waxbarashada Qur’aanka ee dugsiyada.

ü  Fulinta siyaasadaha xidhiidh ee ardayga, waalidka, barayaasha, maamulka dugsiga, iyo bulshada guud ahaan.

ü  Hanashada quluubta ubadka, iyo jecleysiinta Qur’aanka kariimka ah.

ü  Tarbiyaynta carruurta oo ku salaysan hannaanka barashada Qur’aanka ee casriga ah.

ü  Fahansiinta iyo xifdisiinta ubadka ee seeska (Higaad & Tajwiid) iyo suuradaha Qur’aanka.

ü  Hubinta daryeelka, fayadhawrka iyo badqabka ubadka.

ü  Fududaynta qorshe-hawleedka manahajka barista Qur’aanka iyo cashar diyaarinta.

ü  Maamulka iyo maareynta fasalka.

ü  Qiimaynta, dhiirrigelinta, iyo horumarinta dhammaan ardayda kala duwan.

ü   Ilaalinta akhlaaqda, iyo dhaqanka suubban ee ubadka.

Skills and Qualifications

Shuruudaha Shaqada.

Macallinku waa in uu:

 

·         Haysto ugu yaraan shahaadada xifdiga Qur’aanka, oo ah heer caalami, ama ay Wasaaradda Waxbarashada/Diinta iyo Awqaafta JSL aqoonsan tahay.

·         Haysto IJAAZADA Qur’aanka kariimka ah.

·         Aqoon u leeyahay (Xifdi & Fahan) mutuunta culuumta Qur’aanka.

·         Dhigi karo dhammaan culuumta aasaasiga ah ee Qur’aanka.

·         Awoodo maaraynta fasalka.

·         Jecelyahay tarbiyaynta iyo horumarinta ubadka.

·         Leeyahay khibrad maamulka fasalka oo ah ugu yaraan afar sano (4).

·         Leeyahay xirfadaha hoggaaminta, maareeynta mushkiladaha iyo go’aan qaadashada.

·         Leeyahay diin, akhlaaq fiican iyo dulqaad, kana fayow yahay cudurada la is qaadsiiyo, lahayna iin wax u dhimmi karta gudashada xilkiisa.

·         Lahayn balwad caafimaadkiisa, shaqadiisa, go’aan qaadashadiisa ama sumcadiisa bulshada dhexdeeda wax u dhimmi karta.

·         Horay u galin fal dambiyeed maxkamad xukuntay.

·         Leeyahay xirfado dad la dhaqan wanaagsan iyo wadashaqeyn.

·         Leeyahay xirfadaha asaasiga ah ee isticmaalka kombiyuutarka.

·         Leeyahay xirfadaha qoraalka iyo soo bandhiggidda.

·         Aqoon fiican u leeyahay luqadaha Soomaaliga, Carabiga iyo Ingriisiga.

Lifaaqyada Muhiimka ah:

·         Nuqul shahaadada xifdiga Qur’aanka kariimka ah.

·         Nuqul shahaadada IJAAZADA Qur’aanka kariimka ah oo lagu kalsoon yahay

·         Nuqul taariikh nololeedka (CV).

·         Saddex nuqul oo ah (Recommendation Letter )

·         Hal sawir oo la qaaday labadii bil ee ugu dambeysay

How to apply

Qaabka loo xareynayo:

Qaabka Dirista Codsiga: ogaalschools@gmail.com

FG: Fadlan ku qor E-mail-kaaga cinwaankiisa booska shaqo.

2. Xilliga kama dambaysta ah ee aqbalaadda codsigu waa: (Khamiis, 30/May/2024 – 12:00am).

 

 

Email

ogaalschools@gmail.com

Member Since Jul 18,2023
Last Worked May 25,2024
Open Job By Hay’adda Samafalka Geeska Afrika 1