How does it work?

  1. Home
  2. How does it work?

How does it work?

Si aad u isticmaasho macallin-doon.

1. waxa ugu horreeya ee aad samaynaysaa waa inaad is diiwaan-geliso arday ahaan, ama macallin ahaan, iyo Dugsi ahaanba. Marka aad is diiwaan-gelinayso waxaad qoraysaa EMAIL-KAAGA iyo macluumaadka kale ee uu ku waydiin doono website-ku. Haddii aad rabto inaad noqoto arday ka tirsan macallin-doon  waxa aad tagaysaa halka ay ku qoran tahay SING UP. Kadib waxaad dooranaysaa arday, waxana aad buuxinaysaa foomka kuu soo bixi doona oo aad ku qoraysid magacaaga oo saddexan, Emialkaaga, telephone-kaaga, grade aad rabto inaad aragto imtixaanaadkiisa iyo passwordkaaga. Intaas kadib taabo (sign) waxaad toos u arkaysaa dashboard ama page kuu gaar ah oo aad ka helayso courses aad qaadatay hadday jiraan  imtixaanaadka aad rabto, iyo profile-kaaga.

 

2. Haddii aad rabto inaad noqoto macallin ka tirsan bahda macallin-doon waxa aad isu  diiwaan-gelinaysaa macallin ahaan, waxa aad si buuxda u buuxinaysaa foormka macallinka oo soo baxaaya marka aad diiwaan-gelinta samayso, intaas kadib waxa aad yeelanaysaa sanduuq kuu gaar ah oo ay ku soo dhacayaan wixii shaqooyin ah ee ku saabsan macallin-doon, sidoo kale waxaad sanduuqaas ka helaysaa dhammaan waxyaabaha adiga ku khuseeya.

 

 3. Hadii aad rabto inaad qaadato koorso ka mid ah koorsooyinka ku jira  macallin-doon, waxa shardi ah inaad marka hore is diiwaan-geliso kadib haddii ay koorsadu bilaash tahay waxaad dooranaysaa koorsada aad rabto, kadib waxaad sii dooranaysaa isdiiwaan-geli. Kadib waxa ay koorsadu kuugu dhacaysaa sanduuqa kuu gaarka ah kaas oo aad ka helaysaa koorsooyinka aad dalbatay iyo hawlaha adiga kuu gaarka ah.

 

4. Haddii aad rabto inaad isticmaasho imtixaanaadka ku diyaarsan macallin-doon, waa inaad marka hore isdiiwaan-gelisaa kadib waa inaad doorataa marka aad isdiiwaan gelinayso fasalka ama grade ka aad rabto inaad hesho imtixaanaadkiisa, intaa kadib waxaad ka helaysaa imtixaanaadka oo diyaarsan sanduuqa kuu gaarka ah, waxaanad arkaysaa meel ay ku qoran tahay MOCK TEST. Halkaa marka aad ku dhufato waxaad arkaysaa imtixaanaadka fasalka aad dalbatay, taasi waa haddii uu bilaash kuu yahay imtixaanku haddii kale waa inaad iibsataa imtixaanaadka aad rabto. hadii aad iibsato hal imtixaan, waxaad ogaataa waxaa la socda dhammaan fasalkaa imtixaanaadkiisii oo dhan, tusaale ahaan waxaad iibsatay form four chemistry ,marka aad sidaa u iibsato waxaa la socda dhamaan grade kaaa maadooyinkii la dhiganaaya sida biology, math, soomali, geography and etc.

Qof kasta oo raadinaaya macallin waxaa uu ka dalban karaa macallin-doon, isaga oo aanay wax lacag ah kaga bixin, waxaanu taabanayaa Post jobs oo uu ku qoraayo macallinka uu rabo shuruudaha uu ka rabo.

5. Haddii aad rabto in aad shaqo ka dhex raadiso macallin-doon. Marka hore waxa shardi ah in aad iska diwaan-galiso macallin-doon. Gaar ahaan qaybta " Teachers and job seekers" intaas ka dib waxaad buux-buuxinaysaa Foomka adiga oo ku dhammaystirayaa xogtaada sidaa "C.V.ga. shahaadooyinkaaga, waayo arragnimadaada, iyo sawirkaaga." Intaas ka dib waxaad yeelanaysaa sanduuq ku gaar ah.  Waxaanad awood u yeelanaysaa shaqo kasta oo macallin-doon lagu soo xayisiiyo in aad xaraysan karto wali si maalin leh ah adiga oo Isha ku haynayaa halka ku qoran tahay.  (Find a jobs) apply-garee maantaba oo hel shaqo.