About Us

  1. Home
  2. About Us

About Us

Macallin-doon waa Website waxbarasho oo loogu talo galay inay ka faa"iidaystaan bulshada soomaaliyeed ee danaysa Waxbarashada. Waxa aad ka helaysaa macallin-doon koorsooyin duuban oo ay duubeen macallimiin khibrad sare leh, waxaad sidoo kale ka helaysaa imtixaanaadka dugsiyada Somaliland oo si qurux badan loo diyaariyay kaas oo ardayga u sahlaysa in uu helo su'aalo iyo jawaabo kuwaas oo wada socda. Waxaad kale oo aad macallin-doon ka helaysaa macallimiin si gaar loo tobabaray oo shaqo u diyaar ah. Waxa kale oo kuugu diyaar ah macallin-doon warbixinnada Jaamacadaha dalka iyo Barnaamij-yada ay bixiyaan. Macallin-doon waxaad ka raadsan kartaa shaqada aad doonayso waxana aad ku soo bandhigaysaa aqoonta, khibradaada, iyo xirfadaha aad leedahay.  Kuwaas oo aad la wadaagayso macallin-doon.