1. Home
  2. Tuition Job
  3. Xisaabiye (Accountant

Details of Xisaabiye (Accountant

  • Payment Monthly
  • Budget 0
  • Job Category Finance Jobs
  • Skills QuickBooks /Excel sheet

Institute Activity

  • Last Login Jan 03,2024
About the institution
Name Daahir General Trading Company
City Hargeisa
Job Requirement

 

Daahir General Trading Company wuxuu ka shaqeeyaa Iibka badeecadaha kala duwan ee cuntooyinka iyo kuwo kale tan asaaskiisii sannadki 2014. Company-gu wuxuu leeyahey xarumo badan oo dalka gudihiisa ah si badeecada iyo adeega loo gaadhsiiyo macaamiisha. Daryeelka macmiilka, Alaab tayadeedu sareyso, iyo qiimo macquul ah waa ahdaafta company ga.

Daahir waxa uu leeyahey macaamiil faro badan oo kunool guud ahaan Somaliland kuwaasi oo xiiseeya alaabta aan iibino. Daahir wuxuu iibiyaa alaabo aad u tiro badan una baahan shaqaale xirfado kala duwan leh. Si loo gaadho ujeedooyinka company-ga waxaa laga maarmaan ah in la helo shaqaale ka shaqeeya xisaabta company-ga. Hada waxaan raadineyna qof shaqaale ah oo noqda Xisaabiyaha guud ee  company-ga Daahir. Saacadaha shaqadu waa 8 saacadood oo ka bilaabma 7:00 AM ilaa 12:00 PM galinka hore iyo 4:00 PM ilaa 7:00 PM fiidnimo. Xarunta shaqadu waa Hargeisa.

Qofkan waxaa la marindoonaa 3 bilood oo tijaabo ah (Probation Period) hadii uu shaqadiisa gudan kari waayo heshiiska loo cusbooneysiin mayo.

Shaqada Laqabanayo

Qofka Shaqaalaha ah waxaa laga rabaa si guud inuu kor u qaado xisaab wanaaga company-ga. Bal aan eegno shaqooyinka ugu muhiimsan ee laga rabo qofkan:

·         Maamulka budget ka company-ga

·         Lasocoshada Iibka iyo dhaqdhaqaaqa akoonada lacagaha company-ga

·         Diyaarinta warbixinada xisaabaadka ee bilaha ah iyo kuwa sannadlaha ah.

·          Bixinta lacagaha lagu soo iibiyo alaabta

·         Bixinta Kharashaadka

·          Ilaalinta iyo Dabagalka Asset ka sida badeecada la iibinayo.

·         Kashaqeynta wixii shaqo uu u diro maamulkiisu ee kusaabsan xisaabta.

Skills and Qualifications

Shuruudaha Qofka

Qof kaste oo shaqadan codsanaya waxaa laga rabaa inuu buuxiyo shuruudahan

·         Waa inuu ahaado Muwaadin Soomaalilaander ah

·          Waa inuu heysto Shahaadada Bachelor ee kuliyada Business Administration ama kuliyad u dhiganta

·         Waa inuu leeyahay khibrad shaqo oo kabada 3 sanno, isagoo ka shaqeynayey Iibka iyo Suuqgeynta.

·         Waa inuu leeyahay xirfada isticmaalka computer ka

 

How to apply

Qofkii raba inuu codsado shaqadan waa inuu raaco talaabooyinkan:

1.      Soo dir Warqada Codsiga (Application Letter) iyo CV-ga adigoo soo raacinaya shahaadooyinkaagii, Recommendation Letter, iyo wixii cadeymo kale aad heysato adigoo ku diraya axmedmd2@gmail.com

2.      Soo dir sawirkaaga, National ID Card-kaaga ama hadaad leedahay passport (hadaanad heysan dhib badan malaha lakiin qofkii heysta wey caawineysaa)

3.      Hal email oo kaliya soo dir oo qodobada sare oo dhami ku jiraan. Fariinta markaad direyso Magacaaga oo saddexan Subject uga dhig.

4.      Codsiga xafiiska laguma qabanayo. wixii faahfaahin ah la xidhiidh 634122182

 Wakhtiga uu Xidhmayo

Codsiyada waxaa la aqbalyaa uun laga bilaabo 1st January, 2024 7:00 AM ilaa 10th January, 2024 12:00 PM.

Emailaxmedmd2@gmail.com

 

Member Since Jan 03,2024
Last Worked Jan 03,2024
Closed Job By Daahir General Trading Company 0