1. Home
  2. Tuition Job
  3. kormeere Waxbarasho

Details of kormeere Waxbarasho

  • Payment Monthly
  • Budget 0
  • Job Category Administration Jobs
  • Skills

Institute Activity

  • Last Login May 25,2024
About the institution
Name Hay’adda Samafalka Geeska Afrika
City Hargeisa
Job Requirement

Hay’adda Samafalka Geeska Afrika, waa Hay’ad 26 sano dhallinta barbaarinaysay, waxna baraysay, soona saartay haldoor aad u tayo iyo tiraba badan. Hiigsiga  Hay’adduna waa carbinta jiil hormuud ah, diin ahaan, akhlaaq ahaan iyo aqoon ahaanba.

Hay’addu waxa ay kaalin laxaad leh ka qaadatay horumarinta waxbarashada ee Geeska Afrika, gaar ahaanna Somaliland, iyada oo hirgelisay 38 dugsi, 151 masjid, iyo 745 ceel.

Warbixinta Booska:

Kormeere waxbarasho (Education Supervisor )

kormeeraha waxbarashadu waa in uu hoggaamin karaa dhammaan howlaha kormeerka  waxbarasho, si’ loo soo saaro hormuudka dadka iyo dalkaba. Waa in u awood u leeyahay hagitaanka siyaasadaha kor-joogtaynta waxbarashada, talabixinta horumarka, tayaynta manhajka, iyo guud ahaan jawiga waxbarida iyo waxbarashada oo udub dhexaad u ah guusha ardayga.   

 

Skills and Qualifications

1.  Shuruudaha Shaqada:

Codsaduhu waa in uu:

a.    Heysto ugu yaraan shahaaddada darajada labaad ee heer jaamacadeed oo takhasus waxbarasho ah, gaar ahaanna kormeerka waxbarashada (M. Ed), oo ah heer caalami, ama ay wasaaradda waxbarashadu aqoonsan tahay.

b.    Leeyahay khibrad kormeer, ugu yaraan 5 sano.

c.     Leeyahay khibrad maamul oo la xidhiidha nidaamyada waxbarashada ugu yaraan 4 sano, waliba haddii ay dalka dibaddiisa tahayna, waxa uu heli doonaa mudnaan gaar ah.

d.    Aqoon fiican u leeyahay luqadaha Soomaaliga, Carabiga iyo Ingriisiga.

e.    Leeyahay xirfadaha hoggaaminta, maareeynta mushkiladaha iyo go’aan qaadashada.

f.      Lahayn balwad caafimaadkiisa, shaqadiisa, go’aan qaadashadiisa ama sumcadiisa bulshada dhexdeeda wax u dhimmi karta.

g.     Leeyahay diin, akhlaaq fiican iyo dulqaad, kana fayow yahay balwad , cudurada la is qaadsiiyo, aanu lahayna iin wax u dhimmi karta gudashada xilkiisa.

h.    Horay u galin fal dambiyeed maxkamadi xukuntay.

i.       Leeyahay xirfado dad la dhaqan wanaagsan iyo wadashaqeyn.

j.       Leeyahay xirfadaha asaasiga ah ee isticmaalka kombiyuutarka.

k.     Leeyahay xirfadda tirakoobka iyo taabbagelinta halbeegyada xogaha. (Data analysis).

l.       Leeyahay xirfadaha qoraalka iyo soo bandhiggidda.

How to apply

1.   Lifaaqyada Muhiimka ah:

Ø Nuqul shahaaddada iyo trancriptiga darajada 1aad ee jaamacadda

Ø Nuqul shahaaddada iyo trancriptiga darajada 2aad ee jaamacadda

Ø Nuqul taariikh nololeedka (CV).

Ø Qormo aan ka yarayn 700 oo eray, oo aad kaga warramayso KHIBRADDAADA kormeer.

Ø Laba nuqul oo ah (Recommendation Letter ).

Ø Hal sawir oo la qaaday labadii bil ee ugu dambeysay.

2.    Xilliga kama dambaysta ah ee aqbalaadda codsiga: Sabti 15 /11/2023

 

Member Since Jul 18,2023
Last Worked May 25,2024
Closed Job By Hay’adda Samafalka Geeska Afrika 1