Primary School Program

Hordhac

Barnaamijkan waxaa loogu talo galay in ardayda soomaaliyeed laga dhiso Sayniska iyo Xisaabta si ay ula tartamaan ardayda kale ee caalamka.

Barnaamijkan waa barnaamij waxbarasho oo loogu talo galay cid kasta oo rabta inay si fiican u barato Sayniska iyo Xisaabta laga bilaabo fasalka sadexaad ilaa fasalka sideedaad. Barnaamijkan waxaa dhigan kara qof kasta oo raba inuu labadaa maado si fiican u barto. Marka aad isdiiwaan-geliso barnaamijka waxaad helaysaa dhammaaan maadooyinka xisaabta iyo sayniska oo si fiican loo duubay iyada oo ay dhigayaan macalimiin khibrad fiican u leh maadooyinkaasi. Waxaa barnaamijka qaadan kara cid kasta oo dhigata dugsiga hoose-dhexe ama rabta inay si gaar ah u barabto xisaabta iyo sayniska dugsiga hoose-dhexe.


Ahdaafta Barnaamijka:

1. Marka aad dhamayso barnaamijkan waxaad si fiican u fahmaysaa xisaabta iyo sayniska dugsiga hoose-dhexe

2. Marka aad dhamayso barnaamijkan waxaad darajo fiican ka keenaysaa imtixaanka fasalka sideedaad

3. Marka aad dhamayso barnaamijkan waxaad aqoon fiican u yeelanaysaa xisaabta iyo sayniska dugsiga hoose-dhexe

 

Mawaado Xisaabta iyo Sayniska ee halkan aad ka helayso

Xisaab

Saynis

Xisaabta fasalka sadexaad

Sayniska fasalka afaraad

Xisaabta fasalka afaraad

Sayniska fasalka shanaad

Xisaabta fasalka shanaad

Sayniska fasalka lixaad

Xisaabta fasalka lixaad

Sayniska fasalka todobaad

Xisaabta fasalka todobaad

Sayniska fasalka sideedaad

Xisaabta fasalka sideedad

 

 

Yaa geli kara barnaamijkan

Waxaa barnaamijkan geli kara cid kasta oo rabta inay si fiican u dhigato xisaabta iyo sayniska dugsiga hooose-dhexe

Barnaamijku waa Bilaash :

Barnaamijkan oo ka kooban lix fasal oo xisaab ah iyo shan fasal oo Saynis ah qiimimahiisu waa bilaash waxaanad kaliya bixinaysaa registration fee oo ah 10 dollar oo ah hal mar oo aad bixinayso marka aad samaynayso diiwaan-gelinta, si loo ogaado inaad tahay qof ay ka dhabtahay inuu waxbarto. Marka aad samayso isdiiwaan-gelinta  ayaa waxaad helaysaa dhammaan lixda maado ee xisaabta ah iyo shanta maado ee sayniska ah ee aad isku diiwaan-gelisay, waxaanad ka helaysaa meesha ay ku qorantahay my program oo ku taala dashboard ka kuu gaarka ah ee aad ku leedahay platformka ama dagelka. 

 

 

PROGRAM FEATURES

  • Start Date : Sep 15,2023
  • Duration : 6 Month
  • Class Type : Online Tutoring
  • Eligibility : None
  • Language : Somali
Program Price : USD10