1. Home
  2. Tuition Job
  3. Teacher for Math & Social H/Dhexe

Details of Teacher for Math & Social H/Dhexe

  • Payment Monthly
  • Budget 0
  • Segment Math and Science
  • Subject Math & Social H/Dhexe

Institute Activity

  • Last Login Aug 09,2023
About the institution
Name Al-Irshaad Schools
City Hargeisa
Tutoring Requirement

 

 Hay’adda Direct Aid ee Maamusha Dugsiyada Al-irshaad waxa ay ku wargelinaysaa bulsho waynta Somaliland in ay ka banaantahay shaqooyin macallinimo dugsiga H/dhexe gabdhaha ee Al irshaad (Jigjiga-yar, Hargeisa) shaqadaas oo ah macalin dhiga Xisaab iyo Arimo bulsho,waqtiguna waa Gelin Dambe.

 

 Haddaba cid kasta oo danaynaysa in ay u tartanto shaqadan waxa laga rabaa in ay buuxiso shuruudahan hoos ku qoran.

1. Waa in uu sito ugu yaraan shahaado jaamacadeed oo heerka (Diploma), taas oo takhasuskeedu yahay waxbarashada (Faculty of Education).

2. Waa in uu kaga soo shaqeeyay xirfadda macallinimo dugsiyo waxbarasho ugu yaraan 5-tii sano ee u danbeeyay.

3. Waa in uu aqoon fiican u leeyahay maadooyinka uu soo codsaday.

4. Waa in uu ka haysto shahaado khibradeed shaqooyinkii uu hore uga soo qabtay dugsiyada waxbarashada.

5. Waa in uu soo qaatay tababar macallinimo.

6. Inuu aqoon fiican u leeyahay isticmaalka Computerka sida (Ms word, Ms PowerPoint Ms Excel).

7. Waa in uu jidh ahaan iyo maskax ahaanba caafimaad-qabo.

8. Waa in ay da’diisu u dhaxayso 26-40 sano.

9. Waa in uu haysto Aqoonsi dhalasho (Nationality ID / Passport).

10. Waa inaanu lahayn Balwad sida qaadka, sigaarka iyo Wixii Lamid ah.

11. Waa in uu codsigiisa ku soo lifaaqo shahaadooyinkiisa waxbarasho, sida shahaadada jamacaddda iyo transcript-ga.

12. Waa in uu ka gudbo imtixaanka qoraalka ah iyo ka afka ahba.

 

 FG: Mudada ugu danbeysa ee aad CV-gaaga ku soo gudbin karto waa Arbacada 09-August- 2023, 06 Fiidnimo.

Member Since Aug 05,2023
Last Worked Aug 09,2023
Closed Job By Al-Irshaad Schools 0