1. Home
  2. Tuition Job
  3. Ogaal School Principal

Details of Ogaal School Principal

  • Payment Monthly
  • Budget 0
  • Job Category Administration Jobs
  • Skills

Institute Activity

  • Last Login May 25,2024
About the institution
Name Hay’adda Samafalka Geeska Afrika
City Hargeisa
Job Requirement

Warbixinta Booska:

1.      Maamule (Principal )

Maamuluhu waa in uu yahay haldoor, soo saari kara arday hormuud ah.

Waa in uu hoggaamin karaa dhammaan howlaha  waxbarasho, si’ loo soo saaro hormuudka dadka iyo dalkaba. Waa in u awood u leeyahay hagitaanka siyaasadaha maaraynta shaqaalaha, agabka, qiimaynta manhajka, jawiga waxbarida iyo waxbarashada oo udub dhexaad u ah guusha ardayga  iyo dugsiyada guud ahaan. 

2.      Masuuliyadaha Maamulaha:

- Fulinta qorshaha istraatiijiyadeed ee waxbarashada dugsiyada.

- Hagitaanka shaqooyinka joogtada ah ee ka socda dugsiyada.

- Jihaynta siyaasadaha xidhiidh ee ardayga, waalidka, barayaasha, hay’adda, laamaha dawladda, iyo bulshada guud ahaan. 

- Qorshaynta, Qiimaynta iyo horumarinta baahiyaha tababbar ee bahda dugsiga, si’ loo sugo tayada tacliinta ee ardayga.

3.      Shuruudaha Shaqada.

ü  Maamuluhu waa in uu:

·         Heysto ugu yaraan shahaaddada darajada labaad ee heer jaamacadeed oo takhasus waxbarasho ah (M. Ed), ama fiilalka la xidhiidha, oo ah heer caalami, ama ay wasaaradda waxbarashada JSL aqoonsan tahay.

·         Leeyahay khibrad waxdhigid oo ugu yaraan shan sano ah.

·         Leeyahay khibrad maamul oo la xiriirta nidaamyada waxbarashada ugu yaraan 4 sano, waliba haddii ay dalka dibaddiisa tahayna, waxa uu heli doonaa mudnaan gaar ah.

·         Leeyahay xirfadaha hoggaaminta, maareeynta mushkiladaha iyo go’aan qaadashada.

·         Lahayn balwad caafimaadkiisa, shaqadiisa, go’aan qaadashadiisa ama sumcadiisa bulshada dhexdeeda wax u dhimmi karta.

·         Leeyahay diin, akhlaaq fiican iyo dulqaad, kana fayow yahay cudurada la is qaadsiiyo, aanu lahayna iin wax u dhimmi karta gudashada xilkiisa.

·         Horay u galin fal dambiyeed maxkamad xukuntay.

·         Leeyahay xirfado dad la dhaqan wanaagsan iyo wadashaqeyn.

·         Leeyahay xirfadaha asaasiga ah ee isticmaalka kombiyuutarka.

·         Leeyahay xirfadaha qoraalka iyo soo bandhiggidda.

·         Aqoon fiican u leeyahay luqadaha Soomaaliga, Carabiga iyo Ingriisiga.

4.      Lifaaqyada Muhiimka ah:

-          Nuqul shahaaddada iyo trancrip-ka darajada 1aad ee jaamacadda.

-          Nuqul shahaaddada iyo transcript-ka darajada 2aad ee jaamacadda.

-          Nuqul taariikh nololeedka (CV).

-          Nuqul codsiga shaqada ah (Specific Position - Boos Cayiman).

-          Saddex nuqul oo ah (Recommendation Letter ).

-          Hal sawir oo la qaaday labadii bil ee ugu dambeysay.

5.      Nooca Heshiiska Shaqada: Heshiis Xaddidan (1 Sano).

6.      Wakhtiga Shaqada: 10 Saac.  kala xidhiidh emailkan education@horncharity.org



Member Since Jul 18,2023
Last Worked May 25,2024
Closed Job By Hay’adda Samafalka Geeska Afrika 1