1. Home
  2. Tuition Job
  3. Teacher for KG (Macallimad Barbaarineed 5 Boos)

Details of Teacher for KG (Macallimad Barbaarineed 5 Boos)

  • Payment Monthly
  • Budget 0
  • Segment Math and Science
  • Subject KG (Macallimad Barbaarineed 5 Boos)

Institute Activity

  • Last Login May 25,2024
About the institution
Name Hay’adda Samafalka Geeska Afrika
City Hargeisa
Tutoring Requirement

Warbixinta Booska:

1.      Macallimad Barbaarineed (KG Teacher –)

Macalimaddu waa in ay tahay haldoor, soo saari karta barbaar hormuud ah.

Waa in ay hagi kartaa dhammaan howlaha  waxbarasho ee la xidhiidha barbaarinta carruurta, si’ loo soo saaro hormuudka dadka iyo dalkaba. Waa in ay awood u leedahay daryeelka iyo waxbarista ubadka, ilaalinta agabka, tebinta manhajka tacliinta, habaynta jawiga waxbarida iyo waxbarashada oo udub dhexaad u ah guusha ubadka.  

2.      Masuuliyadaha Macallimadda Barbaarinta:

- Fulinta qorshayaasha waxbarashada ubadka ee dugsiga.

- Fulinta siyaasadaha xidhiidh ee ardayga, waalidka, barayaasha, hay’adda, laamaha dawladda, iyo bulshada guud ahaan. 

- Hubinta daryeelka, fayadhawrka iyo badqabka ubadka.

- Dejinta qorshe-hawleedka manahajka waxbarashada iyo cashar diyaarinta.

- Maamulka iyo maareynta fasalka.

- Qiimaynta, dhiirrigelinta, iyo horumarinta dhammaan ardayda jaadadkooda kala duwan.

- Ilaalinta akhlaaqda, qaayasoorka iyo dhaqanka suubban ee ubadka.

 

 

3.      Shuruudaha Shaqada.

·         Macallimadu waa in ay:

-          Heysato ugu yaraan shahaadada darajada koowaad ee heer jaamacadeed oo takhasus waxbarasho ah (BA. Ed), ama la xidhiidha, oo ah heer caalami, ama ay wasaaradda waxbarashada JSL aqoonsan tahay.

-          Awooddo maaraynta fasalka.

-          Jeceshahay barbaarinta iyo horumarinta ubadka.

-          Leedahay khibrad waxdhigid, oo ah ugu yaraan saddex sano.

-          Leedahay xirfadaha hoggaaminta, maareeynta mushkiladaha iyo go’aan qaadashada.

-          Leedahay diin, akhlaaq fiican iyo dulqaad, kana fayow dahay cudurada la is qaadsiiyo, lahaynna iin wax u dhimmi karta gudashada xilkeeda.

-          Horay u galin fal dambiyeed maxkamad xukuntay.

-          Leedahay xirfado dad la dhaqan wanaagsan iyo wadashaqeyn.

-          Leedahay xirfadaha asaasiga ah ee isticmaalka kombiyuutarka.

-          Leedahay xirfadaha qoraalka iyo soo bandhiggidda.

-          Aqoon fiican u leedahay luqadaha Soomaaliga, Carabiga iyo Ingriisiga.

 

4.      Lifaaqyada Muhiimka ah:

-          Nuqul shahaaddada iyo transcript-ka darajada 1aad ee jaamacadda.

-          Nuqul taariikh nololeedka (CV).

-          Nuqul Codsiga shaqada ah (Specific Position – Boos Cayiman).

-          Laba nuqul oo ah (Recommendation Letter – ).

-          Hal sawir oo la qaaday labadii bil ee ugu dambeysay.

5.      Nooca Heshiiska Shaqada: Heshiis Xaddidan (1 Sano).

6.      Wakhtiga Shaqada: 8 Saac. kala xidhiidh education@horncharity.org

Member Since Jul 18,2023
Last Worked May 25,2024
Closed Job By Hay’adda Samafalka Geeska Afrika 1