![](https://macalindoon.online/image.php?src=https://macalindoon.online/uploads/institute/1689706993_0.jpg&w=900)
Profile Details
Overview:
Hay’adda Samafalka Geeska Afrika, waa Hay’ad 26 sano
dhallinta barbaarinaysay, waxna baraysay, soona saartay haldoor aad u tiro iyo
tayaba badan. Hiigsiga Hay’adduna waa
carbinta jiil hormuud ah, diin ahaan, akhlaaq ahaan iyo aqoon ahaanba.
Hay’addu waxa ay kaalin laxaad leh ka qaadatay horumarinta
waxbarashada ee Geeska Afrika, gaar ahaanna Soomaalilaand, iyada oo hirgelisay
38 dugsi, 151 masjid, iyo 745 ceel.
Dugsiyada Ogaal International Schools – , waa dugsiyo cusub oo hoos yimaadda Hay’adda, kuna yaal Hargeysa, gaar ahaanna
xaafadda Masallaha.
Information:
Dugsiyada Ogaal International Schools – , waxa loo aasaasay KELIYA in laga soo saaro arday hormuud ah, diin ahaan,
akhlaaq ahaan iyo aqoon ahaanba.
Ardayga waxa loo
diyaariyay deegaan heersare ah, kuna habboon waxbarashada, iyada oo ay u dhan
yihiin dhammaan agabkii iyo manaahijtii waxbarasho. Ardaygu waxa uu qaadan
doonaa Manhajka Qaranka JSL, UK Pearson Edexcel International IGCSE, iyo
manaahij kale oo kab ah, waxana u dhigi doonaa barayaal isugu jira waddaniyiin
iyo ajaanib.
Dugsiyada Ogaal International Schools, waxa ay ku tilmaaman
yihiin, oo ay dhigood ka ga soocan yihiin, kulminta aqoonta diineed ee ardayga
iyo ta maaddiga ah labadaba, gaar ahaanna xifdiga Qur’aanka oo dhammaystiran,
shareecada Islaamka, afafka Soomaaliga, Carabiga, Ingiriisiga, oo si’ xeel
dheer loo baraayo, iyo waliba isku turjumaaddooda.
Ardayga waxa la korinayaa; kalsoonidiisa, hankiisa, iyo
himiladiisa, waxaana loogu talagalay in uu noqdo hogaanka dadka iyo dalkaba, ee
horseedaya horumarka umadda dhinac walba.